Bahrain: Dowladda Soomaaliya way ku abaal dhacday Imaaraadka

Bulsha:- Dowladda Bahrain ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka sii xumaanaya ee Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka.

Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh,  balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday.

Khalid Bin Axmed ayaa xusay in Imaaraadka uu u qabtey Soomaaliya Shirar dhowr ah oo xal loogu hadlayey Burcad badeedka, kuwaasi oo Madaxweynayaashii dowladda Federaalka ay goobjoog ahaayeen.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini”aadanimo iyo Tabararka Ciidamada.


Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu abaal guday Imaaraadka dafiraad, aflagaado iyo inay garab siiso cadowgeeda.
Hadalka Khalid Bin Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa kasoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidoo kale maalintii Axada Garoonka Muqdisho lagu qabtey Diyaarad wadey lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya oo laga keenay Abu Dhabi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment