Sawirro: Sidee ayuu Farmaajo warqadaha Safiirnimo uga gudoomay Danjire Wadaadi

Bulsha:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya u fadhin doona Somalia, Mr Wadaadi Walad Sayid.

Madaxweynaha JFS Farmaajo ayaa warqadaha ka guddoomay Danjire Wadaadi oo isagu loo soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Somalia la leeyihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Somalia, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Maxamed Walad Cabdicasiis  iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu rajeynayo in xiriirkan uu asaas u noqdo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Dal, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xiriir iskaashi.
Farmaajo iyo Danjire Wadaadi ayaa isku fahmay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo xiriirka labada dal, Siyaasada iyo Amniga, iyadoo laga duulaayo xiriirka.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment