Sawiro: 196 Xildhibaan oo kulan ku yeeshay SYL iyo Jawaari oo ay xaaladda ku xun tahay

Bulsha:- Sida ay xaqiijiyeen illo ka madax banaan dhinacyada isku hayo Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ilaa 196 xildhibaan ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka SYL .

Xildhibaanada kulankaan yeeshay oo dhammaantood ahaa kuwa kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka uu Guddoonka Baarlamaanka ku aqbalay in cod la geliyo mooshinka laga soo gudbiyey.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa si cad u sheegay inuu Jawaari ku xad gudbay Dastuurka dalka isla markaasna uusan sii ahaan doonin Guddoomiye.

Waxay sheegeen inay isku kalsoon yihiin isla markaasna ay ku qanacsan yihiin in codka Kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibanada kulanka yeeshay ayaa waxaa laga dhex arkayey wasiiro ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre sida:

1)  Wasiirka Maaliyadda

2) Wasiirka Amniga

3) Wasiirka Dhallinyarada iyo isbooriska

4) Wasiirka Gaashaandhiga

5) Wasiirka Ganacsiga

6) Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta

7) Wasiirka Xanaanada Xoolaha

8) Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

9) iyo dhawr wasiir ku xigeeno
Xaaladda Jawaari ayaa u muuqato inay mugdi sii galeyso, waxaana maalinba maalinta ka dambeyso sii kordhaya tirada Xildhibaanada kasoo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiye Jawaari ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu aqbalay mooshinka laga keenay isla markaasna uu sheegay in loo codeyn doono muddo 10 maalin ah kadib sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment