DAAWO: Nin isku toogtay afaafka hore ee Aqalka Cad ee Maraykanka

Bulsha:- Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Sirdoonka dalka Maraykanka nin ayaa u soo dhowaaday darbiga Aqalka Cad gaar ahaan wadada Pennsylvania kahor duhurnimadii maanta xilliga Washington waxana uu ninkan soo baxsaday qori isagoo madaxa isaga dhuftay dhowr xabadood.

Falkan ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka maqnaa Aqalka Cad isagoo nasasho u aaday Mar-a-Lago Florida.

Ninkan isu hortoogtay aqalka cad ee Maraykanka oo ujeedadiisa aan la garan ayaa la sheegay dad badan ay ku sugnaayeen meel aan ka fogeyn waxaana halkaas ka dhacay kala carar iyo jahawareer.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo ah Madaxtooyada loogaga taliyo wadankaas ayaa waxaa hore uga dhacay falal la xiriira amniga dhowrkii sano ee la soo dhaafay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment