Xubnaha taranka ee dumarka

Bulsha:-  Qeybta banaanka waxaa ladhahaa siil. Waxay kasamaysantahay labo bishimood oo waaween oo banaanka kuyaal iyo labo bishimood oo yaryar oo gudaha kuyaal kasoo ku xadeysan gudaha siilka iyo meesha ay kaadida kasoobaxdo kaadiheysta korkeeda waxaa kuyaalo kintirka kasoo doorweyn kacayaaro raaxada galmada ee dumarka.

Haddii qof dumar ah oo weyn ama gabadh yar oo la guday (gudniinka xubinta taranka), ayaa afka hore ee siilku u muuqan karaa si ka duwan sida kuwa kale. Wixii warbixin dheeri ah www.gudniinka.ch


  • Dunta ay so marta ukunta nagta
  • Meesha sameesa ukunta dumarka
  • Makanka
  • Kaadi heesta
  • Laanta xaggeda sare
  • tubada ay so marto kadida
  • Kintirka meesha uu ka bararo
  • Kintirka
  • Faruraha laanta
  • Siilka
  • Makanka afkiisa
  • Mindicirka 
  • Siilka

Waa meel jilicsan dhirirkiisana lagu qiyaasay 7 ilaa 1 0 cm. Wuxuu qaabilaa guska markuu isu tag dhacaayo. Siilka wax jiidmaayo oo loogu talagalay ilmaha markuu dhalanaayo inuu soomaro. Xitaa waa meesha ay caadada kasoo baxdo.Dareenka galmada siilka wuxuu ka keenaa biyo kasoo fududeeya falka markuu dhacaayo.

Bikrada
Markey naagtu tahay bikro siilka gudihiisa waxaa laga helaayaa xuub qafiif ah oo furan. Qaabka bikrada naagba naagta kale way kaduwantahay. Qaar way kamaqan tahay caadi ahaan. Badanaa bikrada waxay jabtaa marka ugu horeeyso ee galmo dhacdo.

Minka
Waa meesha uur ku ku sameeysmo. wuxuu ahaan karaa mid lala barbardhigay cambaruud hoos loogadiyay. Minka gudihiisa xuub ayuu leeyahay kasoo sameeysma markasta oo caadad timaado. Markey caadada kaa dhamaato xuubkaas wuu fuqaayaa,wuxuuna noqonaayaa caadadii laa kiin hadii uur yimaado xuubkaas wuxuu noqonayaa buul ay uur jiiftu ku jirto. Qeybta hoose ee sooraacdo siilka waxaa loo yaqaanaa minka afkiisa. Meel yar oo duleesho ayaa waxay u ogalaaneysaa inay marto shahwada ama caadada. Markey naagta dhaleyso, afka minka iyo siilka way furmaayaan si ay ilmahaas ay uhelaan boos aysoomaraan.

Ugxan sida yaasha
Ugxansidayaasha waxay lee yihiin qaab iyo weynin lagu tilmaamay nooc kamid ah miraha. Waxay leeyihiin labo kaalin:

Waxay sameeyaan hormoonka galmada ee dumarka kasoo hagaajiya caadada.
Wuxuu keenaa oo lagu qiyaasay bishii halmar ugxan diyaar ah inay bacrimiso.
Dhuumaha isku xira minka iyo ugxamaha
Waa labo tubo oo yar yar ah 1 0 ilaa 1 5 cm dhirirkeeda lagu qiyaasay. Waxay aadaan minka eena raacaan ugxan sida yaasha say u helaan ukun. Bacriminta, waxay la kulmee ukun iyo shahwo,gudaha markaas ukuntii
bacrintay waxay aadeysaa minka.

Wareega naagta xiliga dhiiga
Waa xili kasoo ah maalinta koowaad ee caadada ilaa xiliga kale ee malinta kowaad caadada ku xigo. Inta uu socdo waa wax badalmikara, guud ahaan 21 ilaa 35 maalmood. Qarniyaasha waxay bilaawdaan inta udhaxeyso 11 ilaa 1 5 sano waxayna joog sataa xiliga aay caadada guurto oo ah inta u dhaxeyso 45 ilaa 55 sano.

Xilikasta, minka wuxuu isku diyaariyaa uur cusub bacriminta waxay timaadaa 15 maalin kahor caadada kale inteey imaan. Isu taga udhow maalmahaas bacriminta waa maalmaha ugu fiican ee layeesho uurka.

Bacrimintaasi isku waqti matimaado, waxaa jira xaalad looyaqaano (xisaabta) laakiin ma ahan xaalad fiican oo looga hortagi karo uurka.

Inta caadada ku heyso…
...Naagta way qobeysankartaa,way dabaalankartaa, timaha way dhaqan kartaa. Way sameeyn kartaa isboortis sida dabaasha ayadoo gashaneeyso.

2017, SANTÉ SEXUELLE Suisse, Fondation suisse pour la santé sexuelle et reproductive; Artcoss, association romande et tessinoise des conseillères et conseillers en santé sexuelle, faseg, Fachverband sexuelle Gesundheit in Beratung und Bildung

Waxaa malgeliyey migesplus










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment