Saxiibo Isku Soo Ekaysiiyay Donald Trump iyo Kim Jong Un Oo Khal Khal Galiyay Ciyaaraha olombikada

Bulsha:- Labo nin oo saaxiibo ah islamarkaana isu soo ekeysiiyay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya (Donald Trump iyo Kim Jong-un) ayaa khal-khal geliyay ciyaaraha olombikada qaboobaha ee ka socda magaalada Pyeongchang dalkaasi Koonfurta Kuuriya.

Labadan nin oo ay qabteen hay`adaha ammaanka ayaa laga saaray goobta ciyaaraha, waxaana lagu wadaa in lagu dacweeyo booliska si wax looga weydiiyo falka ay ku keceen islamarkaana ay khal-khal ugu abuureen goobta ay ciyaaruhu ka socdaan.

Dhankooda ayay sheegeen nimankani in falkan ay ku keceen ay ula jeedeen oo keliya maadsi ama shactaro islamarkaana ay sii nabadgelyo u hor-seedaan adduunka.
Mid ka mid ah nimankan oo wakaaladda wararka ee Reuters la hadlay islamarkaana diiday in uu shaaciyo magaciisa rasmiga ah ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in ay dambi ku muteystaan dhacdadan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment