Marwa waa gabar cashar siisay dadka niyadda ka jabay

Bulsha:-  wiigan dhex diisa uun bey ahayd markii ay arragtey iyadoo la sharxey, lana qurxiyay dariiqaa si luugu qabto tartan maaradoona oo caruurta luugu qabanayo.

Marwa waxa ay go”aan ku gaadhey iney ka qayb qaadato tartankaa, waxeyna toos ugu tagtey hawlwadeenadii qabanqaabinayay hawshan, iyadoo ka codsatay iney ka qayb gasho tartankan.

Nasiib wanaag waa la ogolaadey, waxeyna ka qayb gashey tartankii iyadoo cagaagan isla markaana sidata dharkeedi caadiga ahaa sida xijaabkeda.

waxa yaabka ku noqdey hawl-wadeenadii ayaa ah iney marwa kaalinta koowaad ku guuleystay iyadoo ka guuleystay caruur loo soo diyaariyay si weyn isla markaana xidhan kabihii orodka iyo maryihii orodkaba.

Marwa waxa ay soo jiidatay guusheedu dadweynaha dalka masar taas oo keentay in dad fara badan ugu baqeen in marwa lagu darro caruurta athletikada masar, isla markaana la kafaalo qaado nolasheeda oo dhan.

Marwa yar ayaa sheegtay iney eryato mararka qaar macaamiisha ka iiibsneysa tishiiyuuga ee gawaadhida wadata si ay uga iibiso af mariskan yar ama tishiiyuugan.

Halkaa waxa inooga soo baxeysa nolasheeda adagi iney u ahayd tababar dabiiciya!
Socodkaaga iyo shaqadaada adagi mararka qaar waxa ay kuu yeesha adeyg aad u aayi doonto mar danbe ! noqo marwa oo kale!

W/Q : Dr Abdulkareem Ali Boltuur










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment