Bulsha:- Dhaqtarkii kooxda qalaama-rogadka Maraykanka Larry Nassar ayaa la sheegay in gabdhaha yaryar ee uu faro xumeeyay ay gaarayaan illaa 265 qof.
Illaa 65 gabdhood oo hor leh ayaa qiraal ka bixinaya maxkamad todobaadkan, xili usbuucii hore ninkan lagu xukumay 175 sano oo xabsi ah kadib markii 160 dumar ah ay ka sheegteen in uu ku xad gudbay.
Dadka uu waxyeeleeyay waxaa ka mid ah gabadha qaadatay billada dahabka ah ee Alu Raisman iyo Jordyn Wieber.
Dhagaysiga dacwadan ayaa waxa ay ku saabsantahay sidii dhaqtarkan uu gabdhaha yaryar ugu xad gudbi jirey goob caafimaad oo uu xiriirka leeyahay ee gobolka Michigan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment