Maleeshiyo taabacsan Xildhibaan Axmed Taajir oo xiratay qaar ka mida Wadooyinka Kismaayo

Bulsha:- Ciidamo gadoodsan oo ka careysan xariga Xildhibaan Axmed Taajir ayaa lagu soo warramayaa inay saaka fuuleen dabaqa Fiat oo ku yaala ka soo horjeedka xarunta taliska ciidamada nabad sugidda Jubaland halkaasoo uu ku xiranayahay xildhibaanka.

Maleeshiyo taabacsan xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Taajir) ayaa xirtay qaar ka mida wadooyinka magaalada Kismaayo, iyadoo kasoo horjeeda xariga xildhibaanka oo maamulka Jubbaland xasaanadda ka qaaday isla markaana xasbi dhigay.

Xildhibaan Axmed Taajir oo ay Jubaland ku eedeysay maamul dumis ayay ciidamada nabadsugiddu xireen todobaadkii hore, waxaana madaxweyne Axmed Madoobe uu isla markiiba magacaabay Garsooraha maxkamadda Jubaland si xildhibaanka maxkamad loo soo saaro.

Maleeshiyada oo ku hubeysan hub kala duwan ayaa xiisad ka abuuray magaalada Kismaayo, waxayna dalbanayaan in la sii daayo xildhibaan Axmed Taajir oo xarigiisa uu amray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Maleeshiyada taageersan xildhibaanka xiran ayaa goobta ay galeen waxaa ka mida Dhismaha Fiat oo ka soo horjeeda Xarunta Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, waxaana magaalada hareeyay xiisad.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo la filayay inuu Axmed Madoobe sii daayo xildhibaan Axmed Taajir kadb codsi ka yimid safiirka UK ee Soomaaliya oo Kismaayo Booqday shalay, waxaana xildhibaanka xiran uu heystaa dhalashada UK.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment