Blogger Widgets

La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka

Bulsha:- La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al Xamaadi, kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda ku leedahay magaalada Muqdisho.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ugu horeyn la Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay.

Waxaa kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhanka ammaanka, waxaana La Taliyaha uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo tababarada ay ku siiyaan xaruntooda Muqdisho.

La Taliyaha Amniga Qaranka uu ka shaqeynayo sidii Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya isku soo dhoweyn lahaa, iyadoo warar soo baxayo ay sheegayaan inuu jiray kulan Madaxweynaha iyo Safiirka maanta ku qaateen Xarunta Madaxtooyada.

Kulanka Safiirka iyo La Taliyaha Amniga Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu La Taliyaha Amniga soo saaray amar ku wajahnaa Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku saabsanaa in aan hub laga saari karin Keydka Hubka, inta laga koontaroolo saanada ciidan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment