Shirkii dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay ,Galmudug iyo Ahlusuna

Bulsha:-  Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Munaasabadan oo bilaabatay barkhanimadii maanta ayaa soo gaartay ilaa duhurkii, iyada oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ka qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.

Masuuliyiinta khudbadaha jeedisay oo koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa Madaxweynihii Ahlusuna, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Samatar iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

sidookale Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo inuu yimaado khilaaf, isaga oo sidoo kale sheegay in Galmudug ay u diyaar garowday dagaal wadajir ah oo lagu qaado Shabaab.

sidookale Calanka Maamulka Galmudug ayaa laga taagay gudaha Madaxtooyada cusub ee Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana guud ahaan Madaxtooyada maamulkeeda lagu wareejiyay Madaxweyne (Xaaf).

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow.

Hadii aan dib u laabano weli waxaa jirta tabasho ay qabaan waxgaradka reer Cadaado, oo aan laga gaarin xal muuqda, iyada oo ay xusid mudan tahay in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Odayaasha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment