Pakistan oo xiriirkii Milatari iyo Sirdoon u jartay Mareykanka

Bulsha:- Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in xiriirkii Milatariga iyo iskaashiga sirdoonka ay u jartay Dowladda Mareykanka kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in kaalmada milatari uu ka jarayo dalka Pakistan.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Pakistan Khurram Dastgir Khan,ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay xiriirka Milatari iyo midka iskaashigii sirdoonka u jartay Dowladda Mareykanka kaddib Mareykanka qaatay go’aan uu ku sheegay hubsiimo la’aan.

Safaaradda Mareykanka ee Islamabad ayaa beenisay in ay heshay go’aanka Dowladda Pakistan ee xiriirka Milatariga iyo sirdoonka la xiriira ee uu Wasiirku sheegay in Pakistaan joojisay.

Mareykanka waxaa uu sheegay in lacag dhan $255 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ay gargaar ciidan ahaan u siin jirtay Pakistan hayeeshee la joojiyay kaddib markii madaxweyne Trump ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaallameyn Daalibaanka Afghanistan,kaas oo askar Mareykan ah ku dilay gudaha Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka aya horay u sheegtay in kaalmada Milatari ay ka joojiyeen Pakistan,dibna ay u billaaban karto marka Pakistan tallaabo milatari ka qaaddo Daalibaan iyo kooxda Xaqaani.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment