Deg deg: DF Soomaliya oo Amar kusoo Rogtay Shirkado dhiiga shacabka jaqay oo Xajka iyo Cimrada ka shaqeeya

Bulsha:- Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qorshe ay wax ugaga bedeleyso maamulka iyo arrimaha xajka.

Wasaarada ayaa xustay in ay bilaabayso oggolaanshaha shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo Cimrada isla markaana Wasaaradda waxa ay ku wargelisay in dhammaan shirkadaha daneynaya in ay ka shaqeeyaan Arrimaha Xajka iyo Cumrada in ay iska soo diiwaan galiyaan wasaaradda muddada udhaxeyso 07/01/2018 – 20/01/2018.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Ow-Qaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay dooneyso in dib u eegis ku samayso qarashka ku baxa Xaajig Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato xoogan ku qabay   Shirkadahan, iyadoona Qofka Soomaaliga ah uu Xajka ku aadi Jiray Lacag Xaad dhaaf ah, oo ka duwan dalalka kale ee Afrika.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment