Daawo: Xaafada Ugu Quruxda badan Soomaaliya oo Kismaayo laga dhisayo iyo Sh. Umal iyo Ganacsato Dhisaya

Bulsha:-  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Sheekh Maxamed Cabdi UMAL ayaa dhagaxdhigay dhismaha xaafad cusub oo ay magaalada Kismaayo ka hirgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed.


Bilan State waa magaca xaafadda ay ganacsatu doonayaan in ay ka dhisaan magaalada Kismaayo, ayadoo xaafaddan loo dhisi doono hab casri ah islamarkaana ay u dhameystirnaan doonaan dhammaan adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada gacanta ku heysa howsha.
Ganacsata shirkadda Kisma Limited oo uu kamid yahay Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa qorsheynaya in xaafaddan cusub ay kusoo biiriyaan magaalada Kismaayo, ayagoo soo bandhigay naqshadda ay noqon doonto xaafadda, waxaana xaafaddan cusub laga hirgelin doonaa nawaaxiga Xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment