Ciidanka Amaanka oo Magaalada Muqdisho ku qabtay tuug si cajiib ah Dadka u dhaca

Bulsha:- Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.

Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay.
Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment