Muuqaal Xiiso leh: Sidee Muqdisho uga Qabsoontay Sanad-guurada 74aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay sannad-guurada 74-aad ee aas-aaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhammaan Taliska iyo qeyaha ciidamadda Booliska munaasabadda 20-ka December awgeed.


Mudane Khayre waxuu tilmaamay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda. Isagoo ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku shahiiday falkii argagixiso ee dhowaan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda, ayna feejignaadaan har iyo habeenba, si looga hortago dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadda xubno ka tirsan labada gole, gobolka Benaadir, saraakiil, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey gaade ka ciyaar qurux badan oo sameynayeen ciidanku.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment