MUUQAAL: Kuuriyada Waqooyi oo ku Tilmaamtay Cunaqabateynta Cusub ee La saaray “Tallaabo Dagaal”

Bulsha:- Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah war ay soo saartay ku sheegtay in cunaqabateynta cusub ee Golaha Amaanka wadankaasi kusoo rogay Jimcihii lasoo dhaafay ay tahay Tilaabo Dagaal oo khal khal gelin doonta amniga gobalkaasi.


Cunaqabateynta cusub ee Golaha Amaanka Jimcihii ansixiyey ayaa lagu sheegay in dhamaan muwaadiniinta u dhashay dalkaasi Kuuriyada Waqooyi ee dalalka dibada ka shaqeeya wadankooda lagu celin doono 2 sano gudahood, isla markaana la joojinayo 90% batroolka dalkaasi laga iibin jiray.

Tilaabooyinkan ayaa la sheegay in lagu xakameenayo dadaalka ay Kuuriyada Waqooyi ugu jirto soo saarista Gantaalada ridada dheer iyo hubkeeda Nukliyeerka.

Balse Kuuriyada Waqooyi ayaa jawaabtii ay maanta soo saareen ku sheegay inay dar dar siigelin doonaan hawlahooda ku aadan hubkooda difaaca Nukliyeerka iyo Gantaalada oo ay sheegeen inuu yahay gaashaankooda ay isaga difaacayaan duulaanka Maraykanka wadankaasi la damacsan yahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment