MUUQAAL: Ciyaaryahankii Arsenal oo Darbijiif Noqday, Hantidii laga qaaday, Kuna Fakaray Inuu Isdilo (Waraysi)

Bulsha:-  Ciyaaryahankii caanka ahaa ee Arsenal Emmanuel Eboue oo xanuun xaga dhimirka ah haleelay ayaa cidla kusoo dhacay kadib markii xaaskiisa Aurelie iska furtay maxkamadna xukuntay inuu soo wareejiyo Gurigiisa iyo hanti uu lahaa.


Ciyaaryahankani ayaa dhaqaalihiisa ay maamuli jirtay xaaskiisu isla markaana si farsamaysan ku khiyaantay inay ka saxeexdo dhamaan dhaqaalaha Akoontiisa kusoo dhacayay oo malaayiin Pound ahaa.

Waxa uu yidhi bangiga ayaa la,igu khiyaamay waxaana aan ahaa aabo 3caruura iyo xaaskiisa u daacada waxaan helaba iyadaan u dirayay waxaanse ogaaday inaan qaldanaa maantana cidla ayaa taagan ahay.

Emmanuel Eboue ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu lumiyey gabi ahaanba hantidiisii, inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu ka ciyaaray finalka UEFA Champions League, sidoo kalena uu malaayiin ginni qaadanayey muddo 7 sanno ah oo uu ka xamaalanayey horyaalka England Premier League.
Emmanuel Eboue oo u dhashay dalka Ivory Coast ayaa sidoo kale wadan jiray gawaadhi qaali ah, laakiin hantidiisii oo dhan ayuu lumiyey ka dib markii uu xaaskiisii iska furay, wuxuuna haatan seexdaa jardiinka guri uu leeyahay nin ay saaxiib yihiin.
Xitaa geesigii kooxda Arsenal Emmanuel Eboue ayaa u sheegay majaladda Daily Mirror inuu ku fikiray inuu isdaldalo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment