Farmaajo oo fashiliyey Qorshe halis ah oo lagu iibin lahaa Hawada Soomaliya

Bulsha:- Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fashiliyay qorsho lagu doonaayay in lagu iibiyo qeybo kamid ah Hawada Somalia, taa oo ay ka qeybqaadanayeen mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda ka tirsan maamulka Hawada Somalia.

Qorshahaan lagu iibin lahaa Hawada Somalia ayaa waxaa la xaqiijiyay in kaalin weyn ay ka qaadaneysay Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo ka shaqeysa Xafiiska laga maamulo Hawada Somalia qeybteeda Kenya.

Maxamed Abuukar Nuur, oo kamid ah Saraakiisha maamulka Hawada Somalia, oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu uga mahad celinaayo talaabada uu ku fashiliyay shir la qorsheeyay oo la doonaayay in lagu kala iibsado Hawada Somalia.

Waxa uu Sarkaalkan sheegay in shirkaas uu ka dhici lahaa dalka Koonfur Africa iyadoo ay ka qeybgali lahaayen Saraakiil ka tirsan maamulka Hawada Somalia iyo mas’uuliyiin hore, balse waxaa shirkaas fashiliyay Madaxweynaha oo ka warhelay ka hor inta uusan qabsoomin sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan lagu magacaabo Maxamed Abuukar Nuur, waxa uu tilmaamay in shirkaas ay abaabushay Haweeneyda Kenyaanka ah ee ka howlgasha Xafiiska laga maamulo Hawada Somalia ee Kenya.

Waxa uu tilmaamay haddii uu dhici lahaa shirkaasi in Hawada Somalia ay ahaan laheyd mid ka baxda gacanta Somalia, balse uu iminka badbaado u noqday Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu fashiliyay dhismooyin sharci daro ah oo la doonaayay in laga dhiso Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo la doonaayay in lagu dhabar jabiyo howlaha Hawada ee ka socda gudaha Garoonka Muqdisho.
Dhinaca kale, Maxamed Abuukar Nuur, ayaa Madaxweynaha Somalia ugu baaqay in fiiro gaara uu u yeesha qorshooyin kale oo weli socda kuwaa oo lagu doonaayo in lagu hagar daameeyo Hawada Somalia.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment