Dawlada Suudaan oo Jaziirad u dhow Sucuudiga ku Wareejisay Turkiga Iyo Masar oo ka seexan wayday (Muuqaal)

Bulsha:-  Madaxwaynaha Sudan ayaa heshiis taariikhiya la gaadhay Madaxwaynaha Turkiga Kuna Wareejiyay Jaziirada Sawaakin oo ku taala Xeebta Dalkaasi Sudan.


Jaziiradani oo leh taariikh fog ayaa Watigii Cismaaniyiinta u ahayd saldhiga ugu muhiimsan ee Laga maamulo Cismaaniyiinta Bariga Dhexe Iyo Qaarada Afrika,   Jaziiradani ayaa si toosa u eegaysa Sacuudiga isla markaana waqtiyadii hore toos looga lugayn jiray Xajka loogana talaabi jiray Sucuudiga.

Haddaba heshiiskani Turkiga Iyo Sudan ayaa durbaba Argagax ku beeray Masar kadib markii ay meel aysan filaynin Turkigu kaga soo baxeen.

Xidhiidhka Turkiga Iyo Masar ayaa gaadhay meeshii ugu xumayd kadib markii Madaxwaynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi uu afgambiyay Madaxwayne SISI oo markaasi ahaa wasiirkii gaashaandhiga Masar.

Warbaahinta Dalkaasi Masar ayaa safarka Madaxwaynaha Turkiga Ee Sudan ku tilmaantay dagaal siyaasadeed oo lagu go,doominayo Masar kadib markii Turkigu ka dhisteen Somaliya Saldhiga ugu wayn ee Dibada ku leeyihiin sidoo kalena Sudan ku wareejisay Jaziirada Sawaakiin.Taasi oo walwal galisay Masar .
Warbaahinta Masar ayaa cadaysay in Madaxwaynaha Sudan Cumar Albashiir diiday casuumad uu Madaxwayne Siisi u fidiyay markii labaad.Xidhiidhka Masar iyo Sudaana waxa uu marayaa meeshii ugu liidatay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment