Daawo:Qalabkii lagula socon lahaa Maamulka Hawada Soomaaliya oo la rakibay (Sawirro)

Bulsha:- Horumarka ay Wado Dawlada Somalia ayaa Si Xawli ah uga Soconaya Dalka Gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho inkasta oo Hawlaha Horyaala Dawlada ay aad u Badan yihiin .

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garowgii u dambeeyay ugu jirta la soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, iyadoo maalinta berri la furi doono Xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Qalabkan lagula socon doono maamulka hawada ayaa lagu rakibay xarunta Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, iyadoo dad loo tababarayo inay ku shaqeeyaan qalabkan.

Munaasabadda lagu daah furayo maamulka hawada ayaa maalinta berri ka dhici doonta magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa dhowaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya inta aanu dhamaan sanadkan.

Dhowr jeer oo hore ayay dowladdu sheegtay inay la soo wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay Magaalada Nairobi, ayna gacanta ku heysay Hey’adda ICAO.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment