Daawo: RW. Khayre oo Xalay Jeediyey Khudbadii ugu Qiimaha badnayd, Iyo Waxqabadka Lama Filaanka ah

Bulsha:- Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad loogu magac daray Geediga Dowladnimada iyo Waxqabadka Xukuumada oo uu soo agaasimay Xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaliya.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiiradiisa, Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka.

Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa ku dheeraaday ka hadal waxqabadka xukuumada oo haatan jirsatay ku dhawaad 10 Bil iyo waxa uqorsheysan mudooyinka soo socda.

Kheyre ayaa sheegay inuu dalka yimid iyadoon aaney wax lacago ah kujirin Accounka dowladda balse uu rajeynayo inuu xilka isaga tago iyadoo ay lacago badan kujirto qasnada Dowladda, waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha Golaha adeega garsoorka iyo Maxkamada Dastuuriga ah.

Waxa uu soo qaatay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, dadaalada ay ugu jiraan in la ciribtiro musuq maasuqa dalka hareeyay, waxa soo qaatay sidoo kale dagaalka ka dhanka ah AlShabaab isagoo muujiyay yidadiilo ku aadan in laga guuleysto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment