Aqriso:- Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Hordhac Gaaray.

Bulsha:- Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Ahlu Sunna oo wada hadalo hordhac ay uga socdaan Magaalada Djibouti, ayaa heshiis hordhac Gaaray, inkastoo aanan labada dhinac wali kala saxiixan Heshiisyada ay Gaareen.

Madaxda labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegay in hMaxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in uu jiro heshiis is faham ah oo labada dhinac ay ku wada gaareen shirka uga soconaya dalka Jabuuti.

Sida uu sheegay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug qodobada la’isku fahmay waxaa ka mid ah:-

  • In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug

  • In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug

  • In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug

  • In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug


Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan qodobada ay ku heshiiyeen oo dhameystiran, si Galmudug ay uga hana qaado Gobolada Galgaduud & Mudug.

Haddii labada dhinac ay heshiiskan dardargeliyan, ayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) waxaa la qorshaynaya in uu taggo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dhuusa Mareeb waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug, inkastoo Galmudug ay hadda si ku meel gaar ahi ugu hawlgasho Magaalada Cadaado ee Gobolkaasi Galgaduud.

Galmudug oo is raacsan, ayaa waxaa looga fadhiya inay qaybteeda ka qaadato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si lamid ah sida uu yoolku yahay inay uga wada qayb qaataan maamulada kale ee dalka ka dhisan.
Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta ka amba baxay Mas’uuliyiin katirsan Ahlu Sunna waxayna wararku sheegayaan in ay ka qeyb galayaan dhameystirka wada hadalada labada Dhinac ee Todobaadka Soo socda kasii soconaya Wada hadalkaan Heshiiska Hordhaca ah ay kuwada gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment