Xildhibaano kulan xasaasi ah ka yeeshay Fulinta Xukunkii Dilka Ahaa Ee Askarigii Dilay Wasiir Cabaas iyo Farmaajo oo la sheegay inuu..

Bulsha:- Iyadoo aan weli la fulin dilkii lagu xukumayey Askarigii dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey arrintaas.

Kulankaan oo ahaa mid lagu dalbanayey in tiirka lasoo taago Caydiid oo ahaa askarigii dilay Wasiir Siraaji ayaa waxaa yeeshey  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga  soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Kulankaas ayaa si weyn waxaa diiradda loogu saaray kiiska Wasiir Cabaas Siraaji oo noqday mid qaatay waqti dheer isla markaasna ay hareeyeen buuq iyo dacwo ka socoto shakhsiyaad ay isku heeb yihiin Askariga dilka geystay, Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu Radio Dalsan uga warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadalad loo helo, Wax uu sheegay in arrintaan ay hakad gashay, isla markaana laga joogo mudo 7 Bilood ah xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabaas iyo waxa loo fulin la’yahay.

Xildhbaanka ayaa intaas sii raaciyey in fulinta xukunkaan uu u xayiran yahay Madaweyne Farmaajo oo leh saxiixaha ugu dambeeyo ee fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawaan ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya isla markana ay kala hadli doonaan sababta loo fulin la’yahay Xukunka lagu riday Askarigii dilay Cabaas Siraaji .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment