Wargeys TURKISH ah oo qoray warbixin kashiftay shirqoolka Imaaraadka ee Soomaaliya

Bulsha:- Websiteka Daily Sabah ayaa soo daabacay warbixin xiiso badneyd oo kashiftay waxyaabo badan oo qarsoonaa kuna saabsan in wadanka Soomaaliya la doonayo in la qabsado iyadoo ay dowladaha Reer Galbeed ay arrintaas usoo marayaan Dowladaha Carabta, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Haddaba warbixintaas oo aad u dheer waxaa idiin soo turjuntay Shabakadda Caasimadda Online, maadaama markii hore ay warbixintaan ku qorneyd luuqadda Inigiriiska, waxayna warbixinta ku bilaabaneysaa sida hoos kaaga muuqato.

Imaaraadka Carabta iyo Xulafadeeda  waxay leeyihiin ajandooyin aad halis ugu ah Soomaaliya,  maadaama ay qorsheynayaan in ay ka faa’iideystaan xasillooni la’aanta joogtada ah ee ka jirta dalka sida inay iyaga xasilooni keenayaan oo kale (imperialists).

Soomaaliya waxay la kulantay laba weerar oo argagixiso ah Bishii October, Waxaana la sheegay in qaraxii dhacay 28 uu ahaa mid aad u weyn inkastoo uusan Khasaaro ku gaari karin midkii dhacay Magaalada Gilgilay 14 October kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 358 Qof.

Wargeysyada Reer Galbeedka waxay qaraxyada ku eedeeyaan inay ka dambeeyaan Ururka Argagixisada ah ee tabarta daran ee Al-Shabaab,  waxaana muuqato inay qaar badan oo ka tirsan Warbaahinta ay iska indha tirayaan Xaqiiqda rasmiga ah ee jirto oo ah inay Soomaaliya u dhibaatooneyso Istaraatiijada dhuleed oo ay heysato iyadoo lagu dadaalayo in wadanka lala wareego, waxaana arrintaas loo marayaa inuu dalka kusii jiro Dagaalo Sokeeye, Khilaafaad iyo Musiibooyin ay dad sameenayaan (Man-made Disasters.)

Maraykanka iyo Xulafadiisa Reer Galbeedka ah ee ku midoobay Dambiyada ayaa isku dayeen in ay burburiyaan Soomaaliya oo ay Caburiyaan sanado badan, Mareykanka wuxuu Soomaaliya ku ridaa Bombooyin uu ku sheegay in lagula dagaalamayo Argagixisada Al-Shabaab balse lagu doonayo in lagu burburiyo Soomaaliya, halka dowladda Ingiriiska ay Xayiraad saartay Xawaaladaha Soomaalida, yoolka ugu dambeeyana wuxuu yahay burburinta qayb ka mid ah jinsiyadda aadanaha.  Waxay isku dayayaan inay ku guuleystaan waxa gumeysiga yurubiyanku ku guul daraystay.

Sidoo kale Dalalka qaar sida Emirate-ka Carabta iyo Sacuudiya Carabiya waxay Soomaaliya maamulideeda ka leeyihiin yool siyaad juqraafiyad ku dheehan.

Sacuudiga maal mahan awood waali ku dheehan ayay muujinayaan balse waxaa muhiim ah in  la xuso inay raali galinayaan reer Galbeedka sida Mareekanka, Ingiriiska, Faransiiska, Israa’iil ama Jarmalka.

Sacuudiga waxay doonayaan inay maamulaan in ka badan 3,300 km xeeb dhirarkeeda, tamarta iyo qeyraadka badda Soomaaliya, waxayna diyaar u yihiin inay dhiiga Soomaalida si toos ah iyo si dadban u daadiyaan inta ay u jeedaan fursad ay dhul xeebeedka Soomaaliya ku maamuli karaan u muuqato.

Waxaa fariin cad loo diraa kuwa Sacuudiga madax furashada u heestaan oo ay doonayaan sidii Soomaaliya ay ku dhiig maran lahaayeen inay ka caawiyaan.

Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga waxaa lagu eedeyn karaa hab dhaqankooda aan sharaxaada la soconin faa’iidad ay leedahay awoodoodda Militari iyo siyaasadooda dibada inay dan ugu jirto shacabkooda iyo guud ahaan gobolka.

Talaabooyinka ay qaadayaan waa kuwo reer Galbeedka lagu raali galinaayo waxayna caddow ku yihiin Soomaaliya weliba talaabooyinka ay qaadayaan waxay ku dul adeegsanayaan wadan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan aad u daala dhacayo.

Emirate-ka Carabta iyo hogaankeeda waxay si dhaqsi ah ku dareemeen muhiimada ay leedahay Soomaaliya qaran ahaan. Sidaa darteed hadafkooda wuxuu yahay inay bur buriyaan xiriirka Soomaaliya iyo Turkiya u dhaxeeyo iyo xulufooyinka kale ee aan danta Emirate-ka ka talineyn.

Emirate-ka hadii Soomaaliya ay sidaan muhiim ugu tahay waxay ahayd inay marhore dalkaan ka caawiyaan kasoo kabashadii abaarihii iyo colaadihii dalka hareeyay, laakiin Emirate-ka sidaas uma shaqeeyaan siyaasad ahaan.

Marwalbo dagaalka Mareekanka hogaamiyaan waa mid ku dheehan in dadka nolol ahaan iyo amni ahaan la ragaadiyo si ay isku dhiibaan, sidaa darteed talaabooyinka uu Mareekanka ka wado Soomaaliya waa sidaas madaama sida saxda uusan Soomaaliya u garab taagneyn.

Sacuudiga iyo Emirate-ka marka ay Soomaaliya deeq siinayaan kama ahan walaaltinimo ee danaha Mareekanka ayay hirgalinayaan.

La yaab ma ahan in labadaan wadan oo Muslimiin ah in Soomaaliya aysan waligood usoo gurmanin si deg deg ah marka abaaro xoogan dalka dilaaceen xiliyo kala duwan, waxay ka noqotay Khaliijka sadaqo soo daahday inay Soomaaliya siiyaan xiliga boogta laga soo kabanaayo.

Emirate-ka, Sacuudiga iyo reer Galbeedka wey badaleen siyaasadii ay Soomaaliya kula dhaqmi jireen kadib markii ay arkeen in Turkey ay ka go’antahay caawinta Soomaaliya.

Waxay fahmeen inay la macaamil tamayaan Turkiga oo ah dal awood badan kaasi oo awood u leh inuu Soomaaliya si joogto ah u caawiyo si ay argagaxisada caalamiga ah kaga guuleestaan.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan booqdey Muqdishu sanadkii 2011, Turkigu wuxuu ku lug lahaa mashaariic badan oo Soomaaliya ka jira si uu uga caawiyo Soomaaliya inay noqoto waddan xasilloon oo awood leh,  xiriirkaaan Soomaaliya iyo Turkiga dhex maray waa mid la dagaalamayo Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo doonayo inay dhacaan oo ay ka faa’ideystaan Soomaaliya iyo guud ahaan dhul weynaha Qaaradda Africa, waxaana xusid mudan in Xulafada Caalamiga ah ee Neocons iyo Zionists ay yaqaaniin sida loo xukumo dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Neocon: Waxaa laga soo qaatay Neoconservatism oo ah dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ka dhashay waddanka Maraykanka intii lagu jiray 1960-kii oo ka mid ahaa garabyada xoriyada  ee xagjirnimada ah kuwaas oo aan la socon  siyaasadda dibadda ee Maraykanka.

Zionists: Waa dhaqdhaqaaqa Qaranka ee leeyihiin dadka Yahuuda ee taageersan dib-u-abuuridda Wadan ay leedahay Yahuudda oo la doonayo in lagu abuuro Dhulkii Taariikhiga ahaa ee Reer Israa’iil ee loo yaqaan (Kancaan, Quduuska ah, ama gobolka Falastiin).

Dhibaatada loo geystay Dalka Qatar  ee dhawaan dhacday ayaa ahayd dhacdo kale oo ku saabsan ciyaarta juqraafi ee ballaaran oo lagu ciyaaro Bariga Dhexe iyo Afrika. Sida laga soo xigtay warbixinnada, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa tobanaan milyan oo Dollar oo laaluush ah siiyay Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho si loo mucaarado Xukuumadda Soomaaliya oo go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay go’doominta la saaray Qatar,  Way ku fashilmeen, laakiin taasi ma ayan ku niyad jabin wadamadan in ay isku dayaan inay helaan siyaabo cusub oo cadaadis loogu saaro Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka faa’iideysanaya qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka jirto Xasilooni la’aan si ay halkaas uga fuliso Mashaariic Logistics ah, Meelahaas waxaa kamid ah Maamulka Puntland ee isku arko inuu Soomaaliya ka madax banaan yahay, waxaana Dakadda Boosaaso lagu wareejiyey Shirkadda uu fadhigeeda yahay Magaalada Dubai ee DP Word, Sidoo kale DP Word waxaa 30 Sano oo lacag dhimis ah loogu wareejiyey Dakadda Berbera si loogu sameeyo dayactir, waxaana la qorsheenayaa in halkaas laga sameeyo waxaa loogu yeeray aag dhaqaale oo lacag la’aan ah (Xor ah).

Kadib qaraxii argagaxiso ee dhibaatada geestay, wariyayaasha Soomaalida ee saameynta leh waxay ka dhawaajiyeen in Imaaraadka Carabta (UAE) yihiin wakiil bur bur u horseedayo Soomaaliya, , waxayna ku eedeeyeen inay Imaaraadka dhinacyo Soomaaliya kamid ah la gashay heshiisyo Sheydaani ah isla markaasna ay Soomaaliya ku sameysay faragelin aan loo baahneyn.

Dhawr jeer ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta loogu baaqay inay Soomaaliya ka joojiso howlgalkooda diblomaasiyadeed ee dhibaatada ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Imaaraadka Carabta, Xulafadeeda iyo madaxdooda reer Galbeedka waxay Turkiga u arkaan inuu halis ku yahay qorshahooda Africa ee ku dhisan dhul qabsahada.

Dagaalka ka socda Yemen ayaa qayb ka ah isla xisaabtaan, maadaama uu wadankaan ku yaalo Jasiiradda Carabta weliba meel u dhow waddooyinka muhiimka ah ee badaha.

Yaboohidda Dalka Yeman wuxuu ahaa qorsho ay soo maleegeen dowladaha Reer Galbeedka, waxaana fulinayey Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga,  Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in Dhaxal Sugaha  Imaaraadka Mohammed bin Zayed  uu saameyn ku yeeshay Boqorka Sacuudi Carabiya Mohammad bin Salman si uu ugu biiro qorshayaashii dhintay-dhamaadka.

Cadowga Soomaaliya waxay jeclaan lahaayeen inay marmarsiiyo u helaan bilaabashada dagaal furan, laakiin waxay arrintaas ka doorteen Argagixin Qaawan halkii ay qorshahaas bilaabi lahaayeen, waxaa jiro nooc kale oo kamid  ah argagixisada oo uu sameenayo Mareykanka isagoo arrintaas u marayo duqeyn uu ku fulinayo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, ujeedka ugu weyna wuxuu yahay inaysan Soomaaliya ka nabad gelin awodda burburinta ah oo uu wado Mareykanka.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sidoo kale loo arkaa in uu kaalin ka ciyaarayo dhibaatada ka jirta dalka halkii uu fullin lahaa Waajibaadkii loo xil saaray ee aheyd nabadda.

Xarunta cusub ee militariga ee Turkiga ayaa ka caawin doonta Soomaaliya horumarinta awooda Ciidamada Difaaca, taas oo ka dhigan inay ka hortageyso marmarsiiyo reer Galbeedka ah oo abuuraya nooc ka mid ah joogitaanka ciidamada Saldhigoodu yahay Dalka Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

Warbixinnada sirdoonka ayaa sheegayo in Qaraxii Weynaa ee 14 October ka dhacay Muqdisho loola dan lahaa Saldhigga Cusub ee Turkiga uu ka furtay Muqdisho, Waxaa macquul ah inaysan warbixinadaan run aheyn ama ay run yihiin, Si Kastaba Argagixisada iyo kuwa taageera waxay maskaxda ku hayaan inay Mar uun sameeyaan Aargudashada Turkiga ee  lama huraanka ah.

Waa in la ogaadaa in argagixisada lagu hago Soomaaliya ay si ula kac ah u beegsaneyso xarumo rayid ah. Masaajidada, dhismayaasha dawladda, hudheelada, makhaayadaha iyo suuqyada si loo suurta geliyo inay Soomaaliya noqoto meel foodo ah markaasna ay abuuraan fursad ay dalka kusoo galaan dowladaha Soomaaliya cadowga ku ah ee doonayo inay dalkaan qabsadaan.

Si kasta oo ay noqotaba waxay arrintaas kaliya noqon doontaa qalqalgelin iyo booto ka imaaneyso Reer Galbeed iyo Dowladaha Khaliijka ee dabadhilifka u ah, waxaana xaqiiq ah inay Soomaaliya hagardaamadaan ka dhaxli doonto awood (Soomaaliya way guuleysan doontaa).

Waxaa Waajib ku ah Dowladda Imaaraadka Carabta ee sii kordhineyso dhaqdhaqaaqeeda Debadda inaysan isku dayin inay weeraraan wax ka badan inta ay cuni karto.

Xigasho: Caasimada.net

Xigasho: dailysabah.com

Waxaa Turjumay: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Email: filimside@gmail.com









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment