Blogger Widgets

Waddamada Qadar go’doomiyay oo soo saaray liis argagixiso

Bulsha:- Waddamada Afarta ah ee go’doomiyay Dowladda Qadar ayaa sheegay in ay liiskii hore ee argagixisada ee ay hayeen ku dareen Labo Hay’adood oo Islaami ah iyo 11 qof oo ay sheegeen in ay argagixisada taageeraan.

Liiskan ayaa lagu daray Hay’adaha kala ah Ururka Aqoonyahannada Islaamka ee uu hoggaamiyo Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo ay isaga laftiisa ku eedeeyeen taageerada Aragixisanimo iyo Golaha Dacwada iyo gargaarka Islaamka .

11ka qof ee lagu daray liiska cusub waxaa ka mid ah Agaasimaha Bisha Cas ee Dalka Qadar Khaalid Naziib Diyaab iyo siihayaha Guddoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiinta oo lagu magacaabo Maxamuud Izaad.

Cabdalla Bin Naasir Althaani oo ah Ra’isalwasaaraah Dalka Qadar ayaa sheegay in tallaabooyinka kala duwan ee ay qaadayaan Waddamada Carabta ujeedada laga leeyahay kaliya ay tahay faragelin lagu sameeyo madaxbanaanida dalkiisa,waxaana uu meesha ka saaray eedaha Waddamada Carabta ah.
Ra’isalwasaare Cabdalla waxaa uu sheegay in dalkiisa uu markasta diyaar u yahay in uu xaadiro miiska wadahadalka,haddii ay diidaan waddamada kalena aysan waxbadan kala maqneyn.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment