VIDEO: Atariisho caan ah isku durtay bekteeriyo 3.5 sanno jir ah si ay ugu muuqato gabar dhallinyaro ah (Hadda sidee ayey u taallaa?)

Bulsha:- Atariisho 45 sanno jir ah oo kasoo jeeda dalka Jarmalka, ayaa waxay isku durtay bakteeriyada loo yaqaanno Bacillus F taasoo la sheegay inay jirto 3.5 milyan oo sanno marka lagu jaangooyo halbeegga sannadka bekteeriyada,

Atariishadaan waxaa lagu magacaabaa Manoush, waxayna isugu durtay bakteeriyada Bacillus F si aysan dhallintu uga muuqan.

Manoush waxaa ay ku caan tahay magaca Human Lab Rat waxayna noqotay shaqsigii ugu horreerey adduunkaan ee ku dhiiraday inuu isku duro bekteeriyada Bacillus F, taasoo ka caawineysa in aysan gabi ahaanba dhallintu ka muuqan jirkeeda. Gabadhaan ayaa seddaxdii bilood ee lasoo dhaafay isku dureysay bekteeriyadaan waxayna daaha ka qaaday inay haatan u muuqato sida shaqsi dhallinyaro ah.
Baareyaal u dhashay dalkak Russia ayaa sannadkii 2009kii soo helay bekteeriyadaan, waxayna daaha ka qaadeen inay jirto 3.5 milyan oo sanno. Manoush ayaana dhiiggeeda ku durtay, iyadoo kaashaneysa Dr. Anatoli Brouchkov oo ka shaqeeya jaamacadda Moscow State University, dhigana kuliyadda Geocryology Department.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment