Bulsha:- Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Gantaalkii ay kooxda Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen habeen hore magaalada Riyadh uu ka mid yahay hubka ay Iran keentay dalka Yemen.
Sacuudiga ayaa ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa dagaal ay Iran iclaamisay, isla markaana muujinaya in xuuthiyiinta ay hub casri ah ka helayaan dalka Iran so loogu weeraro Sacuudiga.
Gantaalka oo laga soo riday gobalka Sacda ee waqooyiga Yemen ayaa waxaa sheegtay iney ka dambeeyeen kooxda Xuuthiyiinta shiicada ah oo lagu xanto iney taageero ka helaan dowlada Iran.
Xuuthiyiinta ayaa ku goodiyey inay duqeyn doonaan dal walba oo iyaga duulaan ku soo qaada. Balse ciidamada cirka ee Sacuudiga ayaa ku guuleystay inay gantaalada difaaca ku soo ridaan gantaalo badan oo kooxdan ay soo riday.
Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa horey u heystay gantaalo ay ka qabsadeen hubkii dowlada Yemen, balse kuwaasi maaheyn kuwo soo gaari kara caasimada Sacuudiga ee Riyadh, waxaase hadda muuqata in ay heleen farsamo cusub oo ay sare ugu qaadeen tiirada dheer ee gantaalada.
Dhinaca kale, Isbaheysiga Sacuudiga ayaa weerarkan gantaal ka dib xiray hawada, badda iyo xuduudaha Yemen, taasoo saameyn ku yeelatay duulimaadyadii shirkadda dayuuradaha Yemenia.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment