Michael Jackson Oo Dib Usoo Noolaaday – Gabarna Saaxiib La Noqday (Maxayse ka dhaheen taageereyaashiisu?)

Bulsha:- Gabar ayaa sawir lasoo gashay wiilka ay saaxiibka la tahay ka dibna waxay soo dhigtay sawirkaas mareegaha caanka ah ee Twitter-ka.

Si kastaba ha ahaatee, sawirkaan ayaa saacado gudahood caan ka noqday Twitter-ka iyadoo malaayiin shaqsi ay isla wadaageen.

Sababtoo ah wiilka ay gabadhaani sawirka lasoo gashay ayaa wuxuu si aad ah ugu egyahay boqorka ahna halyeeyga heesaha raabka iyo qoobka-ciyaarka Michael Jackson.

Gabadhaan oo Twitter-ka kusoo gashay isticmaalaha (@GossipGril) ayaa waxay markaas ka dib sheegtay inay la yaaban tahay inay dadku wiilkaan ay saaxiibka la tahay ku sheegaan mid aad ugu eg Michael Jackson, waxayna caddeysay inay sheegashadaasi tahay mid lagu qoslo.
In ka badan 7 bilyan oo shaqsi ayaa ku nool meerahaan. Waxaana ku jira dad badan oo isku eg, laakiin dadka u eg dadka caanka ah ayaa marwalba waxay noqdaan kuwa adduunka caan iyaguna ka noqda. Wiilkaan u eg Michael Jackson ayaana la filayaa inuu dhowaan adduunka caan ka noqdo.

Wiilkaan u eg Michael Jackson iyo gabadha ay saaxiibka yihiin ayaa waxay labaduba ku nool yihiin magaalada Swindon ee ku taalla Koonfur Galbeed dalka England, balse asal ahaan wuxuu u dhashay dalka Germany.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment