Blogger Widgets

Erdogan oo shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo ka dhan ah dunida muslimka

Bulsha:-Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu burburiyo midnimada iyo mustaqbalka dunida Muslimka ah.

“Qorshe aad u xun ayaa socda oo ka dhan ah midnimada, mustaqbalka iyo hodantinimada dunida muslimka ah”ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey shirka ururka dalalka Islaamka ee magaalada Istanbul.

Erdogan waxa uu sheegay in dunida muslimka ay sanadihii dhowaa ku sugneyd xaalad aad u adag.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dalalka Reer Galbeedka ku eedeeyey inay dunida Muslimka usoo dhoofiyeen taariikhdooda cudurka ah.

“Ka aamusnaanta reer galbeedka ee xasuuqa ka socda Syria toddoba sano, ayaga oo albaabka ka xirtay dadka muhaajiriinta, iyo ayaga oo aan cambaareyn xasuuqa muslimiinta Myanmar, waxay na tustay wejigooda dhabta ah” ayuu yiri.
Waxa uu uu is-weydiiyey sababta dalal badan oo muslimiin ah ku qasbeysa inay ballaayiin dollar siiyaan quwadaha reer galbeedka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment