Daawo: Robert Mugabe oo markii ugu horaysay meel fagaare ah lagu arkay

Bulsha:- Madaxweynaha dalka Zimbabwe Rober Mugabe ayaa markii ugu horeysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii ciidamada afgambiga ku rideen Abacadii aynu ka soo gudubnay.


Mr Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjebin ah oo ka dhacday magaalda Harare ee caasimada Zimbabwe.

Ciidamada ayaa talada la wareegay kadib markii uu soo baxay khilaaf ka jira ciddii bedeli lahayd Mugabe waxana lagu amray Mugabe inuusan ka soo bixin gurigiisa.

Mugabe ayaa loo sacaba tumay markii uu soo galay xaruntii ay ka dhacaysay qalinjebinta iyadoo aysan la socon xaaskiisa Grace iyo weliba Wasiirkiisa Waxbarashada Jonathan Moyo oo ay saaxibo dhow ahaayeen.

Ciidamada ayaa xeryahooda ka soo dhaqaadhaqaay kadib markii uu Mr Mugabe eryay Ku xigeenkiisii Emmanuel Mnangagwa toddobaadkii la soo dhaafay.

Mr Mnangagwa ayaa la aaminsanaa inu yahay qofkii bedeli lahaa Madaxweynaha ugu cimriga dheer caalamka ee Mugabe hase yeeshee waxa uu ka dhigey Madaxweyne ku xigeen kaaxkiisa Grace Mugabe oo afartan sano kayar Madaxweyne Mugabe.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment