Al shabaab oo shaacisay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo Shabaabkii Isku qarxiyay Hotel Naasa Hablood 2

Bulsha:- Idaacadda Andalus ee kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay wareysiga mid ka mid ah raggii isku qarxiyey hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 27 qof, hase yeeshee Shabaabku waxay sheegteen inay ku dileen in ka badan 70 qof oo isugu jira Siyaasiyiin, Saraakiil sirdoon, Mas’uuliyiin iyo ciidanka dowladda.

Ninka ay Shabaab codkiisa baahisay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xuseen Rukow Maadeey oo loo yaqaan (CARAB).

Carab ayaa wareysiga ku sheegay in hooyadiisa ay kaligiis ilmo ka dhashay, islamarkaana uu kasoo jeeday beesha Gaaljecel.

Naftii haligahan ayaa sida la sheegay hogaaminayey mid ka mid ah gawaaridii lagu weeraray dhismaha Hotelka Naasa Hablood 2, waxa uuna Inta uusan dhaqaaqin uu Idaacadda Andalus siiyey wareysi gaar ah.
Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya waxaa 28-kii bishaan ka dhacay Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo Rasaas toos ah oo Mas’uuliyadiisu Sheegatay Al-Shabaab.

Weerarkaasi oo ay ku Geeriyoodeen Xildhibaan hore ugu tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha gudaha Koofur Galbeed, Taliyihii Booliiska Degmada Dayniile iyo Xubno kale oo gaaraya 25-qof oo badi ku sugnaa Hoteelka Naaso Hablood2.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment