Shukaansiga kuugu horeeyo haka hadlin arimahaan waa kuu muhiim

Bulsha:- Shukaansigaaga koowaad ayaa noqon kara mid burburiya qeebaha xiga ee shukaansigaaga, si uusan u burburin xiriirkaaga cusub waxaa la gudboon wiilka ama gabadha in ay ka hadlin arimo badan oo ku haboon in laga hadlo xiliyo kale aan munaasab ama ku habooneen kulanka 1aad.

1. Haka Hadlin Xiriirkaagii Hore (saaxiibkaa ama saaxiibtaa hore)

Ka hadalka qofka aad xiriirka la lahaan jirtay munaasab kuma ah in aad soo qaado kulanka 1aad, sababtoo ah qofka aad markaas la hadleeso isla markii maskaxdiisa ayaa soo qabaneeso qofka aad ka hadli jirtay isaga oo ka fikir ama umaleeya in uu ahaa xiriirkiina mid sareeyay, wuxuuna u arkaa qofka aad ka hadleeso xitaa hadii aad kala hartaan aadna goobta kusoo qaaday sheegistiis waxaa suurta gal ah in uu iska dhaadhiciyo in noloshaada saameen uu wali kuleeyahay qofka aad ka hadashay.

2. In aadan Si xad dhaaf isku amaanin

Si kasta aad magac iyo sumcad u leedahay ma hooboona kulanka 1aad in aad si xad kabax u faanto waayo qofka aad la hadleeso wuxuu iska dhaadhicinayaa in uu bartay qof faan badan, dadka faana badanaa waa kuwa laga shakiyo ama loo qaato in uu qofk uu la hadlaayo iska cadow jabiyo taasne waxay kaa burburin kartaa in kulanka xiga oo kaa khasaaro taana waxaa ugu wacan adiga oo afkaaga isku dilay.

3. Arimahaaga kuwa adiga kuu gaarka ah (Sirtaada)

Laga yaabee in aad kala hadasho arimahaaga adiga kuu gaarka adiga oo isku daya in uu kuu arko qofkaan in aad tahay daacad balse qofka aad markaas la hadleeso wuxuu kuu arkaa in uu bartay qof aan waxba qarsan karin, wuxuuna kaala baqaa in uu warar hoose kuugu aamino, marka ma habooni in aad kala hadasho waayo waxay caqabad ku tahay kulamadaada xiga.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment