SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo Booqday Halkii Qaraxu ka dhacday iyo Wuxuu ku arkay Cisbitaalada (Daawo)

Bulsha:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday goobtii mashaqadu ka dhacday ee isgoyska Zoope iyo Isbtitaalada magaalada qaarkood isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada ayaa tagay qaar ka mid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba, wuxuuna madaxweynuhu dhiig u shubay dadka Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaatadu culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay Musiiibadan, wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Zobe,  Wuxuuna amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment