Sawirro: Khayre oo ka qeyb galay Janaasada Janeraal Bad maceeye

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiil iyo Siyaasiyiin ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuum Gen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi u diray eheladda, qarabada iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku, isagoona ALLE uga baryey in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Marxuumka ayuu ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu inuu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa Ciidanka Xoogga iyo guud ahaan-ba dalka. Waxaanu yiri “Innaa LI-LAAHI, wa innaa ILLAAHI RAAJICUUN. Marxuum Jen. Maxamed Sheekh Cismaan (Badmaceeye) ILLAAHAY (SWT) ha u naxariisto, wuxuu ahaa nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo ugu fadhiyay, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan haka siiyo”.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in Marxuum Jeneral Badmaceeye uu ahaa shaqsi jecel wadankiisa. Isla markaana uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidanka XDS oo nidaamka dawladnimada ee Soomaaliya kaalin fiican ka soo qaatay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment