SAWIRRO: Amisom oo si lama filaan ah uga qeyb qaadatay Gurmadka Qaraxii Muqdisho

Bulsha:- Waxaa weli isbitaalada Muqdisho ka socda Gurmadka dhiiga loogu yaboohayo dhaawacyada ay waxyeelada kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gurmadka dhiiga ayaa waxaa hadda socda wajiga labaad oo ay ku gurmanayaan Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Saraakiisha bixineysa Gurmadka dhiiga ayaa waxaa ku jira Saraakiil cadaan ah oo kasoo kala jeeda wadamada reer galbeedka ee garabka siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Taliyayaasha dhiiga bixiyay ayaa waxaa ugu horeeyay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM General Osman Noor Soubagle kaa oo dhiiga looga shubay xarun caafimaad oo ku dhex taalla taliska guud ee ciidamada AMISOM ee Xalane.

Sidoo kale waxaa dhiig shubay askay ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaas oo sidoo kale muujiyay dareenkooda ku aadan musiibadii 14-ka bishan Oktobar ka dhacday isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee dhiiga ugu yaboohay dhaawacyada ayaa la sheegay in dhammaantooda ay yihiin Muslimiin isla markaana ay dareenka la qeybsanayaan walaalahooda Soomaalida.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment