Qodobo muhiim ah oo Ku Socdo Qof Walboo Lamaanihiisa La Joogo Amaba Ka fo

Bulsha:-  Dhalinta soomaaliyeed marka loo eego aduunka runtii waxeey kaalinta jaceylka ka galayaan dhanka hore, balse inyar oo macnaha jaceylka aan fahansaneyn ayey waxeey galaafteen kumanaan kun oo lamaanahooda daacad u ahaaa.

Ruuxa soomaaliyeed marka uu soo indho qaado haduu jaceylkiisa koowaad ku guuldareysto, waxaa dhacdo jaceyl danbe oo dhan inuu ka aamin baxo kuna cayaaro macnaha jaceylka, taasoo sababtay in lamaanayaal badan aay ku kala tagaan wax aan micno laheyn.

Hadaba hadii aad tahay ruux lamaanihiisa si dhab ah u jaceyl waxaa lagama maarmaan ah in lagaa helo qodobo aad ku abuuri kartid jaceyl dhab ah, hadaba isku day in lagaa helo arimahaan dhanka hoose ku xusan.

1- Qofka aad jeclaaneysid ma tahay ama ma yahay qof aad xushmad u haaysid qiimo weyna agtaada ka leh, hadii aay jawaabtaadu haa tahay, kadib qaladaadka dhexdiina wuu yaraanayaaa balse hadii aadan is xushmeynina khilaafkiina waa joogto, hadaba si aad u abuurto jaceyl aan dhamaan lamaanahaada bar xushmada si wixii qalad ah daaqada uga baxaan, jaceyl aan xushmad laheyn wuxuu salka ku hayaa naceyb.

2- Lamaanahaad isku day inaad bartid farxada, markii aad ka maqantahay iyo markii aad la joogtaba ka dhig qof kugu faraxsan, farxada aad lamaanahaada la dooneysid yeeysan noqon xiligaad la joogtid oo keliya.

3- Isku day in aad lamaanahaada iyo adiga aad sameysataan waxyaabo idiin gaar ah sida inaad magac idiin gaar ah iskugu yeertaan, iyo waxyaabo kaftan ah oo aad iskaga aqoonsataan, weliba markii aad kala fogtihiin si sheygii aad isku taqaaneen, aad isku adeegsataan, xasuustiinuna aay u noqoto mid aan gurin.

4- Mararka qaar si aad lamaanahaada jaceylkaaga u dareensiisid garbasaarkeeda ama iyo shaatigaaga isku xir oo la istaag jikada meel walbo aay ka istaagto adigoo caawinayo, una raaci madoonayo in weligeen nalakala furo.

Intaasi iyo in kabadanba waxeey saaidiyaan jaceylka ka dhaxeeyo labada lamaanaha ah, sidaa awgeed isku day in lagaa helo qodobadaasi ayagoo ku dheehan si naxariis leh.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment