MUUQAAL: Salaad Cali Jeelle oo kasoo badbaaday weerarkii Naasa hablood oo ka hadlay la yaabkii qabsaday (Waraysi)

Bulsha:- Salaad Cali Jeelle oo ah Siyaasiyi Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ayaa ka sheekeeyey qaabka uu weerarka u dhacay, iyo wixii ku qabsaday gudaha hotelka.


Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in markii uu Qaraxa dhacayay isaga iyo koox saaxiibadii ah ay Hotelka barxaddiisa shaah ku cabayeen. “Qaraxa markii aan maqlay waxaan aaday Qolkeyga si aan Qorigeyga u soo baxsado,iyagaase iiga hormaray waana iska soo laabtay” ayuu Yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ahaa dadkii Shaaha ku cabayey barxadda Hotelka Naasa Hablood 2 ayaa sheegay inay mar qura maqleen qarax xooggan oo dhacay, wuxuuna sheegay inuu arkay daqiiqado kadib laba dableyd ka tirsan Shabaab oo kor u fuulayo Hotelka.

Wuxuu sheegay inuu isaga rabay inuu Dabaqa sare kore balse markii uu arkay ciidamadaas uu dib uga soo laabtay, wuxuuna sheegay inuu kor ka doonan rabay Qori AK47 ah oo uu sheegay inuu u yaalay qolkiisa, Wuxuuna sheegay inay Ciidamadaas xirnaayeen Dareeska Ciidamada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment