Muuqaal: RW. Xasan Khayre oo Qaatay Go’aan aan Horey Loo Arag

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood, kuwaasoo la socon doona tartanka loo galay xilalka 26 Agaasime Guud oo ka tirsan Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.


Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana ku jira xubno ka socda Golaha Wasiirada iyo Ururada bulshada rayidka, Waxaana guddigan shaqadiisa ay noqon doonto inuu la socdo Tartanka loo galayo agaasimayaasha guud oo loo qaban doono si hufnaan ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in hanaankan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka hey’adaha dowladda, Wuxuuna sheegay in Marka uu Qofku Xanuunsado uu Dhakhtar aado, Marka uu Guri dhisayana uu Aado Qofka wax dhisa, ee aanu Qabiilkiisa Aadin, Wuxuuna sheegay in Qarankuna u baahan yahay Qof dhisaya.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in cid kasta uu u furan yahay xilalka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha oo ay muddo xilalkooda hayeen shaqsiyaad dhowr ah, Iyadoo Dhowaan ay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay in tartan loo geli doono xilalka Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment