Madaxwaynaha Somalia oo gaadhay Dalka Jabuuti & Wararkii ugu danbeeyay

Bulsha:- Waxaa goordhow Caasimadda dalka Jabuuti ee Djabuuti gaaray Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha dalka jabuuti ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas iyo Madax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa Dalka Itoobiya isaga oo Ra’iisul Wasaaraha dalakaas kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor tegay dalka Uganda isaga oo Madaxweynaha dalkaas Uganda ay isla gaareen Go’aan ah in Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb qaataan weeraro lagu qaado fariisimaha Al-Shabaab ee Gobolada dalka Soomaaliya.

Saacadaha soo socda ayaa qorshuhu yahay in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ay ciidamadiisa joogaan Gobolka Hiiraan ay iyana ka mid noqdaan howlgalka ku wajahan deegaanada Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment