Isbadalo waawayn oo dalka Sucuudiga ka dilaacay, Dumarka oo loo ogolaaday Garoomada Ciyaaraha

Bulsha:- Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.

Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.

Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.

Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan “in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.
Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.

Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment