Golaha Kismaayo, Golaha Cadan-Yemen & Golaha Dubruq ee Libiya! Maxaa ka dhexeeya? (Qormo kaalinta UAE)..

Bulsha:- Taariikhda Ummaduhu waxey u Qoraan una Akhriyaan Cibro iyo Waano qaadasho sida; in laga wareegsato Qaladaadkii horey loo galay, lana kobciyo wanaagii horey loo sameeyey, waxna laga barto!

Lkn Carabta iyo Afrikaanka aan ka midka nahay waxey u Qoraan una Akhriyaan Taariikhda in ay ku faanaan; hebel Geesi ayuu ahaa hebelna Fulay, reer hebel Gob ayey ahaayeen kuwa kalena Gun, reerkaas tiradaas ayey dileen ama laga dilay iwm. Waxaana halku-dheg ku cabiray Caalimkii Arishteyn (Waxaa doqonimo ah; in aad hal fal ku cel-celisid natiija ka duwan tii hore na ka sugtid).

Waxaan tusaale kooban u qaada karnaa Taariikh nool oo na soo martay, goob-joogna aan u aheen oo mudan in aan Akhrino waxna ka barano;
Golaha Shalay looga dhawaaqay Kismayo waxaa ka horeeyey Golayaal la tijaabiyey dhibaatana laga dhaxlay oo Ajnabi faraha kula jiray sida;

1. Golahii la dagaalanka Arga-gaxisada 2016, oo 90% Muqdisho haystay, Qaraabna ka heystay Mareykan iyo Emaaraat, kuna caasiyey Dawladii Fedaraalka, kadibna ku kaceen falal ay bulshadu u adkeysan wayday! Kadibna Shacabkii Muqdisho iyo Maxkamadihii Islaamiga ayaa kacdoon ku bur-buriyey 20 Beri. Luqadii oo kale ayuu shalay kusoo celiyey M. Gaas ” 90% ayaan Dalka haysanaa” mana dhihin “90% ayaan Dalka Maamulnaa” farqiga u dhaxeeya waa; Maamulnaa= Dawlad-nimo, Haysanaa= Qabqable-nimo. Waxaan rajeynayaa Taariikhdaas in ay dadka u iftiimiyaan; Senators Xaaji Muuse iyo Cabdi Qeybdiid!.



2. Golahii Maxkamadaha oo Dalka 90% Qabsaday lkn fahmi waayey Qiimaha iyo Macnaha ay leedahay Dawladii dhexe, iskana horkeenay Shacabkii iyo Dawladii, Shacabkiina u kala qeybiyey Muslim iyo Murtad kadibna fududeeyey faragelin iyo ciidama shisheeye iyo dagaal dhiig badan ku daatay! Taariikh-daas iyo Qaladaadkii dhacay iyo Fara-gelintii Shisheeye xilligaas waxaan rajeynayaa in ay dadka iyo Madaxda shirka Kismaayo u Iftiimiyaan Sh. Axmed Madoobe, Sh. Shariif iyo Culimadii kale ee asaasay Golihii Maxaakimta 2006 – 2009!.

3. Golahii Dubruq ee bariga Liibiya; Dalka Liibiya markii uu maray raadkeynii ahaa; Dagaal Sokeeye, Jabhado is diidan, Fara-gelin Shisheeye iwm. Ayaa 2016, UN ku u qabtay Shir ay ku heshiiyeen kuna dhisteen Gole hogaamin iyo Xukuumad ay ku wada heshiiyeen oo uu hogaaminayey RW Faayiz Al-Saraaj, markii ay timid Caasimada oo ay shaqa bilawday, waxaa lagu dhawaaqay oo laga barbar dhisay Gole, Xukuumad iyo Barlamaan uu hogaaminayey Abdalla Al-Thaniye oo Xarun ka dhigtay Magaalada Dubruq ee bariga Liibiya isla markiiba waxaa taageeray Genaraal Khaliifa Xiftar, Masar iyo Emaaraat, waxeyna Qabsadeen 90% Dalka Liibiya, kadib markii laga dhigay waaqic aan la dhaafi karin waxaa Shir gor-gortan ah looga furay beryahaan Paris Xiftar iyo Saraaj, kadib markii la magac iyo qiima tiray Xukuumadii Wadanka.

4. Golaha koofurta Yemen; waxaa Dawlada Emaraatku asaastay Bishii May 2017, Gole Hogaamiye looga dhigay Genaraal Caydaruus Al-Zubeydi oo ahaa Governatorihii Magaalada Cadan, kadib markii uu jagada ka casilay Madaxweyne Al-Haadi, markii uu Golaha dhisay, heshiisna la galay Emaaraat, wuxuu diiday M. Haadi in uu kasoo dego Cadan oo aheed Xarunta kaleya ee ku meel-gaarka ah ee Dawkada Sharciga ah ay haysato kadib markii Dalka laga qabsaday 90%, wuxuuna Madaxweyne Haadi iyo Xukuumadiisu Qaxooti ku noqdeen Riyadh, halka Diyaaradaha, Ciidamada iyo Madaxda Emaaraatku ay Xorr u yihiin in ay ka degaan halkii ay doonaan Dalka Yemen. Waxaan rajeynayaa Taarikhdaas in uu akhriyo dadkana u sharxo Prof. Gaas.

Hadaba waxaa isweydiin mudan;
1. Emaaraatku maxey ku jeclaadeen RW Cumar Cabdirashiid iyo Madaxda Gobalada! Oo ay ku naceen M. Farmaajo iyo RW Khare?
Maxey ku jeclaadeen M. Xasan hadda oo ay ku naceen markii uu xukunka haystay? Maxey ku naceen M. Shariif iyo RW Saacid oo ay marti-geliyeen, lana filayey in ay soo celinayaan! Maxey uga door-bideen RW Cumar?.

2. Maxey ku Jeclaadeen Xiftar oo ay ku naceen Saraaj?
3. Maxey u doorteen Maxamed Daxlaan! Oo ay u diideen Maxamud Cabaas iyo Xamaas?.
Maxey u Jeclaadeen Sii Sii! Oo ay u naceen Mursi?
4. Maxey u jeclaadeen Axmed Cali Cabdalla Saalax- wiilka Madaxweynihii hore ee Yemen iyo Caydaruus Al-Zubeydi una diideen M. Cabdi Rabbuh Mansuur Haadi iyo Dawladiisa?
Jawaabtu waa aqoonyahanka iyo qeybaha bulshada!

NB. Waxaa la filayey in Golaha Kismaayo uu hogaamin-doono M. Sharif Xasan oo Engineer ka ahaa Shirka Kismaayo, Xiriirka Emaaraatka iyo RW Cumar lkn ma dhicin!!!
M. A. Madoobe oo Khudbadiisa ku bilaabay in uusan ku dhaqmi-doonin halku-dhegii M. Xasan Sheekh (Qabyo Qofkeeda ama Qabiilkeeda ayaa dhammeystira) wuxuuna cadeeyey in Kursiga Farmaajo uusan u socon! Lkn doorashada Gaas iyo Waare waxaa laga Akhri karaa in A. Madoobe iyo Sharif Xasan ay qaateen “Qabya Qabiilkeeda ayaa dhammeystira”.

Ugu danbeyn Su’aasha ugu weyn ayaa ah: Ma Farmaajo iyo Khayre ayaa loo socdaa mise Qaran-nimada, Midnimada, Karaamada, Madax-banaanida, Khayraatka dalka iyo Dawlad-nimada ayaa loo socdaa???

Dr. Mohamed Nur Ga’al.
Wasiiru dowlihii hore arrimaha dibadda Somalia










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment