Dumarku Maxey Jaceyl Yihiin Hadaba Wax Ka Ogoow Waxyaabaha Dumarka Ka Farxiyo.

Bulsha:- Guurka farxada iyo kalsonida badan  ku dhisan waa himilada uu ku himiyo qof waliba oo guur doon  ah sidaa darteed waa lagama maarmaan in  dadaal dheeri ah ama door muhiim ah   ay wada cayaraan labada qof ee nolasha ka dhaxeeyso lab iyo dhidigba,

Qormadan aad kala socotaan Allsiyaasad.com waxan kaga hadli doona siyabaha uu ninka xaskiisa kusoo jiidan karo , waqtiyada xigaana waxan ku  eegi doonaa doorka gabadha ay ku hanan karto qalbiga seeygeeda, waana talabooyin aan isleeyahay in ay wax badan tari doonaan   lamanayasha nolol wadaaga ah  ama kuwa haatan guntiga dhexda kaga xiranaya in ay guri yagleelaan ama ay  dhistaan insha alaah:

Hadaba wiilyahow ha isku dayin waligaa inaad xaqirto xaaskaaga, waayo taasi waxay wax u dhimeysaa qalbigeeda, caqligeeda iyo shakhsiyadeeda, waxaana usii dheer  ineysan ku cafineyn waligeed   xita hadii ay kugu  tiraahdo  waan ku cafiyay ,maxa yeelay dumarka dhaqsi  kuma ilaabaan hadii seeygeeda uu wax u dhimo raad ayey ku yeelata, taasina  waa in aad ka taxadar lahataa.
Xaaskaaga wanaag usamee iydana  way kuu wanaag sameyn taasina waxaa ka mid ah sida markay xanuunsantahay  ama uur leedahay inaad u dabacsanaatid kana caawisid hawsha guriga hana  moodin ka caawinta hawsha guriga in ay tahay wax hoos u dhigaya   ragganimadaada ama ay waajib ay ku tahay iyada kaliya, ma ogtahay   inuu Rasuulka NNKH ahaa markuu gurigiisa  joogo mid u adeega xaasaskiisa.
Ogow waxa dunida ugu qaalisan xaskaaga agteeda waa in   aad ku tiraahdo   waan ku jeclahay halka raga qaar ay moodayaan in ay hoos u dhigeyso karamadiisa iyo ninimadiisa in uu xaaskiisa u jilicsanado balase ogow xaskaaga in ay kaga baahan tahay in  aad u muujiso kalgacal saafi ah.
bakheylin hadalada macmacaan ee qalbiga soo jiita sida waxaad tahay iftiinka noloshayda, xita hadii aad ku kala maqnatan howlihiina in aad ku tiraahdo waan kuu xiisay  inta aad iga maqneyd waxa iila mid aheyd sanado.

 U hadiyey xaskaaga wax waliba oo aad isleedahay in ay jeclaan karto sida ubax,barafuum, cadar iyo waxi la halmaala, waayo hadayaddu siduu inoo sheegay Nabigeena NNKH waxay siyaadisaa jeceylka.

Marka aad wada joogtan ama aad wada hadleysan haku mashquulin gidaarada iyo meelaha kale, in aad   eegto xaskaaga waxey door wayn ka  qaadaneysa   jeceylka idinka dhaxeeya waxeyna kobcisa kalgacalka iyo raxmada  idinka dhexeysa ,  ha kala bakheylin xaaskaaga inaad eegto, eegmo ay ku jirto kalgacal iyo  raxmad.

Ha caadeysan in aad mar waliba careeysnato, daganaan iyo  xasilooni muuji hana caroonin, maxa yeelay carada   waxay aasaas u tahay kalgacal la’aanta iyo naceybka, hadii ay kugu khaldanto xaaskaga u cudur  daar hana seexanin adigo u careysan, waxaadna xasuusataa wanaagii faraha badnaa ee ay kuu gashay.

Isku day inaad xaaskaaga amaanto, kuna mahdiso markay wax wanaagsan kuu sameyso, wuxuu yiri nabiga NNKH   qofkaan ku mahdinin dadka Ilaahay kuma  mahdiyo.

Iska jir beenta iyo balan xumida   sababtoo ah beenta waxay asaas  u tahay ineey dumiso guryo badan waxana   ka dhasha kalsooni daro iyo xumaan balse runta oo la isku sheegaa waxey  door muhiim ah ka qadaneysaa is aaminida iyo kalsoni badan oo kalgacal leh  in ay idinka dhex dhalato.

Ra’yigeeda  dhegeyso oo ixtiraam raga uma badna kuwa dhageysta xasaskooda ama talo ka qaata laakiin qasab maaha in aad qaadato taladeeda waa ruux bini’aadam ah way kula xuman karta balse muhiimadu waxa ay tahay in aad dhageysato oo aad si  dagan wax  isaga dhaadhicisan adigo ku dhahaaya  xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan u sameyn karin , laakiin kaaga waa ra’yi jira oo waan ixtiraamaya inkasta oo   aanan qaadaneyn  macanto wan ka xumahay iga raali noqo dareensii in aad  ixtirameyso.

Caawi xaaskaaga oo ilowsii daalka  waxa muhiim u ah  xaaskaga in aad ka war qabto oo aad gacan ku siiso howlaha guriga lama huraan maaha in aad  jikada la gasho ama dhulka la  masaxdo waxaad ku caawin karta xaaskaaga in aad soo iibiso waxyabaha guriga looga baahan yahay, sidoo kale caruurta in aad la ogaato waxbarashadooda, xitaa in aad u beer laxawsato oo aad ku tiraahdo waad daashay wan ka xumay in aan ku caawin waayo.
Ugu dambeeyntii waxan aad u rajeynaya Raga Soomaaliyeedow  in aad farxad iyo wanaag intaa ka badan aad siin doontan dhigiina nolasha (xaaskiina) si aad u wadaagtan nolol farxad iyo kalsooni ku dheehan tahay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment