Dhacdooyin Murugo badan oo Qaraxii Zoope laga dhaxlay | Warbixin dheeri ah

Bulsha:- Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhaxlay Dhacdooyin  xanuun iyo uur-kutaalo badan  oo  uu reebay, Waxaana kamid ahaa.

Afar wiil oo isla dhalatay oo Carwo ay ku lahaayeen agagaarka Zoobe ku dhintay, waliba la sheegay in maanta ay carwadooda ku hayeen tirakoobka hantidooda, si ay Zako uga bixiyaan, waxayna kala ahaayeen Maxamed Cali Maxamed,   Aweys Cali Maxamed,  Axmed Cali Maxamed Iyo salaad Cali Basshi oo walashood dhashay.

Dhinaca kale Drs Maryan Cabdullaahi oo ahayd Gabadh Ardayad ah, oo Maalinta barito lagu waday inay ka Qalin Jabiso Jaamacadda, Islamarkaana Aabaheed uu Muqdisho u imaan rabay xaflada qalan jabinteeda ayaa ku Nafwayday Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Sidee ayuu Noqon karaa Dareenka Aabe Gabadhiisa oo 6 sano oo Jaamacad ay dhiganeysay doonayey inuu la Qaybsado Farxada Qalinjebinta oo Aaskeeda ka Qayb galaya ?.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment