DF-Somalia oo shaacisay in 276-Qof Ku dhinteen Weerarkii, Dalalka Gurmadka Ballan qaaday iyo Wafdigii Turkiga oo..

Bulsha:-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khasaarihii baaxada lahaa ee ka dhashay qaraxii  ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Zoobe ee KM5.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu xaqiijiyay in 276 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxii shalay, halka 300 oo ruux ay ku dhaawacmeen.

“Weli waxaa lagu guda jiraa gurmad qaran oo wixii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteen halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in dalalka Turkiga, Qatar, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti ay balan-qaadeen gargaar caafimaad.

“Waxaan u mahadcelinayaa dalalka Turkiga, Qatar, Kenya, Ethiopia iyo Djibouti  oo ballanqaaday gargaar caafimaad oo ku wajahan Soomaalida ku dhaawacantay weerarkii cadawtinnimada ahaa shalay lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u duulay Muqdisho, Bayaan ay soo saartay Wasaaradu waxaa lagu sheegay in socdaalkiisu la xiriiro dardargelinta sidii dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho loogu qaadi lahaa Turkey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment