Blogger Widgets

DEG DEG: Taliyihii Ciidamadda Xoogga iyo Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya oo hadda is casiley,Warar dheeri ah

Bulsha:-   Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casilay.

Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment