DAAWO: Muqtaar Roobow oo Dhiigiisa u shubay Dhaawacyadii Qaraxii Soobe iyo Fariin uu u diray dhalinyarada la khalday

Bulsha:- Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsnaaa Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay qaraxii ka dhacay Zoobe ee dadka faraha badan lagu laayay inuu ahaa mid waxuushnimo ah oo aan Diin iyo caqliga saliimka ah ka turjumeyn.
Waxaa uu u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas, kuwii ku dhaawacmay alle uu bogsiiyo, waxaana uu u mahad celiyay dowladda Turkiga gurmadka ay soo dirtay.


“Dowladda Turkiga waa u mahad celinayaa gurmadka iyo dhaqaatiirta ay soo dirtay, dowladaha kale ee Muslimiinta haku daydaan”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Waxaa uu sheegay in wixii maalin hore dhacay ay aheyd wax 10 sano ka hor lagula diriray oo la diiday in la joojiyo, isagoo si dadban ugu eedeeyay in Al-Shabaab falkaan ka dambeyso

“Waxa maanta dhacaya waa wixii shalay lagu kala dhintay oo natiijo lagu keeni waayay, in la towbad keeno ayaa furan, waxaana waxay ka dhaceen Shaamow, Hargaha iyo Saamaha iyo Masaajidka Bakaaraha, markey waxaan oo kale dhacaan anaga ma nihi ayaa la dhihi jiray, wixii markee kobceen in la sheegto anaga nahay  in la dhaho la arkay, hadii sidan janno lagu raadinayo jidkeeda ma ahan, waxaa iska daaya ayaa leeyahay, waxa ula jeedaa cida aan sheegayo waa Shabaab”ayuu yiri Mukhtaar Roobow.
“Meelaha waxaa laga leeyahay Black Water ayaa ka dambeyso, aniga shaqsiyan uma maleynayo in Blact water maado qarax waa keeni karaan, baabuur iyo lacag wa keeni karaan, laakiin qof is qarxinaya ma keenin, dadka ka dambeeya farsamadan ka hara oo towbad keena, daraasiin iyo jumlo in dadka loo laayao midna guul laguma gaarayo.

Waxaa uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dadka ka dambeeya ficilada, si gaar ah dhalinyarada ayuu ugu baaqay in aan loo adeegsan falkan.

Dhinaca kale Abuu Mansuur ayaa dhiiggiisa ugu deeqay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana sawirada isagoo dhiig shubaya lagu faafiyay baraha bulshada.

Si kastaba ha ahaatee qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Isgoyska Zoobe ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar ku naf waayaan boqolaal ruux, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment