Calanka Turkiga oo Hoos loo dhigay kadib Qaraxii Ka dhacay Muqdisho.

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay sheegay in Calanka Soomaaliya hoos loo dhigay Muddo 3-Ceshe ah, si loogu baroordiiqo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

War qoraal ahaa oo kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay hoos u dhigeen Calanka Turkiga Sadaxda Ceshe ee Calanka Soomaaliya hoos loo dhigay, si ay ay kaga qeyb qaataan Baroordiiqda loo sameynayo Boqolaalka qof ee Dhimashada iyo Dhaawaca kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay sameyn doonto Kaalmo waliba oo kaga furan Doorka lagu samata bixinayo Dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi, waxaana Garab Taaganahay Soomaaliya.
Turkiga ayaa Diyaarad Daawo wado usoo diray Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay ugu talagaleen in lagu daweeyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Gaari ee Muqdisho ka dhacay, kuwaa oo Goobaha Caafimaadka Muqdisho ku yaal la dhigay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment