5 WAX YAABOOD OO AADAN KA OGAYN SHUMISKA (BAASHADA) AMA DHUNKASHADA XILIGA RAAXADA

Bulsha:-  5 Wax yaabood Oo aadan ka Ogayn shumiska (baashada) ama dhunkashada Xiliga Raaxada…

5 wax yaabood o aadan ka ogayn shumiska (baashida) ama dhunkashada

Shumisku wuxuu ka mid yahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee aad ku muujin Kartid jacayl dhab ah, waxaa jira qaabab fara badan oo loo shumiyo,  waxayna ku xirantahay qofka aad shuminaysid, laakin waxaa jira 5wax yaabood oo aadan ka ogayn shuminka o si wayn kaaga yaabin doona, hadii aa ogaatid 5 tan  waxyaabood waxaad noqon labo mid, in aad shumiska aad u jeclaato iyo in aad asaga dhan joojiso .


1: Shumisku aad ayuu kuugu wanaag sanyahay

Shumisku dhab ahaantii wuxuu ino yahay caafimaad, wuxuu xaqiiqdii hormariyaa maqaarka jirka wuxuu kaloo caawiyaa wareega dhiiga, wuxuuna ka hortagaa ilka xanuunka , xitaa wuxu qafiifiyaa madax xanuunka sida culumada ku xeel dheer saayniska ay xaqiijiyeen.

2: shumisku waa aalmiito ama jimicsi (exercise)

Shumiska caadiga ah ee daanka la iska shumiyo waxaa la adeegsadaa 2 muruq oo ma mid ah murqaha wejiga halka shumiska dheer ee baashida loo yaqaano oo dadka qaar ugu yeraan dhunkasho faransiis la sheegay in la is ticmaayo 34 muruq, taas o ka dhigan in aad isticmaashay dhamaan murqaha ku jira wejigaga, hadii aanan qaldaneen. Shumiska gaaban waxa ku gubi karta xogaa xaydh  ah meesha baashida dheer ku gubi kartid 5 xaydha, haddii aad baashiyaysid qof hal daqiiqo waxaa ku gubi karta 26 calories, saacad hadaa samaysane waxa iska dayn kartaa in aad gymka aadid madaama aad gubi kartid 1,560 calories. Maxaa uga baahantahay in aad gym aadid!!!!!

3: Dhunkashadu waa drug oo kale

Haarmoonsi ka aa so daysid marka aad shuminaysid wuxuy ka awood badan yahan 200 oo jeer waxyeelada daroogada  la yiraahdo moorfineeka, waana sababta aad u helasid dareenka xaraarada ama sarqaanka leh marka aad xoogaa shumiso,
4: Shumisku waa hoyga jeermiska

Ma ogtahay In hal shumis la iskugu gudbin karo 278 nooc oo ka mid ah bakteeriyada (bacteria) meesha shumiska dheer ama baashida la iskugu gudbin karo 10 milyan o bakteeriyo ah. Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan in aad ku ekayso shumiska hal qof oo aad taqaanid kuna kalsoontahay oo aad ogtahay in ay ku dadalaan nadaafada oo ay cadaystaan.

5: Cudurada qaarkood o lagu kala qaadi karo shumiska

Waxaan hubaa in aad ka war haysaan in ama waxa loo yaqaano cudurada dhunkashada lagu gudbin karo shumiska, sidoo kale ma ogtahay in cadhada ama isnadaamiska lagu kala qaadi karo shumis.  Waxa intaa dheer sanadki 1998 in haweeney ay  ku qaaday cudurka aydhiska shumis,  waxa sabab u ahaa ninka o qabay aydhiska iyo labadooda oo qabey cudurka ilka dhiig ama ciridka o dhiig ka imanayo sidaa daraadeed dhacaan asaga ka yimid ayaa gaaray meeshii iyada ka dhiigaysay durbadiina ku cararay unugyada dhiiga qaada . waana arin la yaab leh in sidan fudud laysku qaadsiin karo cuduro halis ah sida cudurka halista ah ee libaaxa loo yaqaan aydhiska

Gabagabadii shumisku wuxu noqon karaa wax aad ku raaxaysato sidoo kale wax laga yaqyaqsado ama lagu lalaboodo,  sidaa daraadeen taladaydu waa in aad doorataa hal qof oo aad si dhab ah u  jeceshay oo aadan marnaba ka maarmin. Oo aad isku daydaa In aad ogaato ama la socoto nadaafada qofktaas  iyo inta jeer ay ilkaga cadeystaan











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment