Turkiga oo Muqdisho ka furay dugsiga barashada duullimaadka Diyaaradaha (Sawirro)

Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa dhameystirtay dhismaha dugsiga barashada Duullimaadka Diyaaradaha (School_of_aviation) kaas oo 27 Sano kaddib hadda diyaar ah.

Hay’adda TIKA wakiil ka ah dowladda Turkiga ayaa dhistay Dugsigan,waxaana maanta munaasibad ka dhacday magaalada Muqdisho xarigga looga jaray dhismaha dugsiga oo la soo gaba gabeeyay.

Munaasabad dhismaha xarunta cusub ee Iskuulka uu kula wareegayay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Oomaar iyo ku xigeenadiisa, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Hay’adda TIKA ee Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa gargaar iyo dub u dhisba ka wadda Soomaaliya tan iyo 2011kii markaas oo ay dowladda Turkiga billowday in ay ka howlgasho Soomaaliya iyada oo ay xilligaas jirtay abaar adag.

Dowladda Turkiga waxaa sidoo kale ay ka dhistay Muqdisho Saldhig lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya,kaas oo ilaa hadda aan xarigga laga jarin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment